Gabaygii Abdirashiid Shaarubaale
Home Page

About Page

What's New Page

Contact Page

Favorite Links

Slide Show

Guest Book Page

Gabayadii Cige iyo Qoob Adhiile

Qaybta Gabayada....

Articles


Waa Gabay dawo raadis ah


Farriin Awliyaad


Dalkii nimanka tagayaw farriin duuban iga geeya

Duuddii Hargeisiyo markaad dooxa Herar jooto

Dacwaddaan akhriyi iiga daahirkii waliga

Arladaad dangiigo u ahayd lagu dabayshoo dheh

Dacalkaad bannaysaa xertii daad ka soo galay dheh

Doorroonna yaalbaa qabsaday daartii Mornell dheh

Dudadaad yagleeshiyo xertii goosanbaa diday dheh

Sida Xoon laxdiisii duntay ugu dul meeraan dheh

Bal in meesha lagu doorsanyey wax u daliilkiiya

Moofaday ku daahaan raggaad duubka ku ogeyd dheh

Degdagsiiyo fadhigii wacnaa laysu dacaree dheh

Ina Daahir, Kayd iyo Cumdaha lagu dugaadhee dheh

Cirka loola duul Xaajigii daacadda ahaa dheh

Diricii Ismaaciil dhaqaaq duhur dharaareed dheh

Dubur buu ka xulay hawd siday uga dam siiyeen dheh

Durduray ku jiidheen Ina Cigoo waa dirganayaaye

Hubka lagu duqeeya ka badan ubaxa dareede

Sidii ruux danbaaboo ka baxay diinta laga yeelye

Isaguna ma daayee gujada dib ugu soo tuur dheh

Ina Muxumad deyn kama qabee waa se loo digay dheh

Daandaansi Aw Cumar yaraa loogu darayaa dheh

Dubbihii ku dhacay Sheekh Xuseen dakharki loo geystay

Darandoorigay ula dhaceen daabcaddiyo soodhka

Markii uu dareen gabay saq dhexe dibadda loo tuur dheh

Xasan Barre dadaal kuma yaree way dirqiyayaane

Habeenkuu dan yeeshaan qaxwaha cidi ddab saarayn dheh

Axmed Cali dan baa tidhi inuu dibinta ruugaa dheh

Inkastuu dhawaaq dananshay uu doobta ka higgooday

Diktoorkii dabbaa lagu shidoo haatan daa hadal dheh

Digtoonaanta Cali Aadan baa cidi danaynayn dheh



Afartaasi deeladay xulan dadab dhiggeedii dheh



Maansadu inay daacadtoon lagu danbaabaynin

Adba kaama daahnoo Dubboow waad laab garan e

Adaan daa'inkaa Awgayaw diinta laayicine

Dariiqiyo Jidkaad ifisay bay dacal ka dhaafeene

Xertoo urursan dooddii hufnayd gole dugsoon weyn leh

Dan u heellanaanti la waa Sheekhaw dabadaaye

Wali daahiraa lagu ogaa inuu duceeyaaye

Digrigiyo Xadiiskii la waa sheekhaw dabadaaye

Mada soo dirtaa iyo si kale uba dabiibtaaba

Daylaha u soo dhiib ducada Daa"inbaa jira e


Waxa Tiriyay: Rashiid Shaarubaale


This is one of my favorite images
  Here you'll create or edit a custom page for your Web site.

Here you'll create or edit a custom page for your Web site.

Add your link here

Here you'll create or edit a custom page for your Web site.

Add your link here


This is one of my favorite images


This is one of my favorite images