Gabayadii Cige Jamac iyo Warsame - Qoob Adhiile
Deegaanka woqoyiga amse gubanka ilaa iyo xeebtaa uu Sacad Muusuhu dego waxa hanaqaad ka ahaa xaga gabayga oo uku caansanaa Warsame oo ku magac dheeraa Qoob adhiile oo Bah Gobo ahaa iyo Cige Jaamac oo isna ku magac dheeraa Cige Dameer oo Reer Xaamud ahaa. Had iyo jeer dhulka xarakaad ayaa ka socon jiray oo xitaa mar mar ayay reeruhu is ku dhici jireen. Xarakaadkaa beesha ka socoda raga murtida iyo gabayga Soomaaliyeed ku xeel dheer ayaa ka maansoon jiray. Ninka gabyaana xaga daqanka Soomaalida waxa uu ahaa nin aad looga dambeeyo. Gabayaaga ayaa wadciga had iyo jooga nabad, colaad, barwaaqo iyo xili abaaraba hadal murtiyeed ku sifayn jiray oo beesha u gudbiya.
Bari hore oo aad u fog ayay Reer Xaamudka iyo Bah Gobado is qabteen. Nasiib daro tariikhdii arintu dhacaday ayaan hubaal loo garanayn, laakiin odayaashu waxay ku qiyaaseen barigaa labada reer ee qaraabada ahi iska horyimaad in ay ahayd wakhtiyadii dagaalkii kowaad ee dunida ka dhacay ama sanada dhowr ah dagaalka dabadii.
Arinkaa labada reer ku gorgortameen iyo maandhaafku wuxuu ka dhacay ee sababay in ay isku gabayaan labadaa oday Cige iyo Warsame Qoob Adhiile, waxa xogogaal u ah, inooga waramaya Maxamed Cige Jamac oo uu Cige aabo u yahay. Maxamad Cige aabihii Cige Jaamac ayuu dhacdadan uga soo joogay.
Nin la yidhaahdo Maxamad Gubadle oo bah Gobo ah ayaa waxa uu watay sac uu damacsanaa in uu u iib geeyo Bulaxaar. Maxamed Gubadle marka uu Bildhaalay marayo ayuu sacii ka diday. Nin isna la yidhaahdo Yuusuf Shabeel oo Ree Xaamud ah, oo markaa isna meesha marayay ayuu ku yidhi inaadeer sac ii celi sidii la is odhan jiray. Yuusuf Shabeel oo nin aad u xoog badan ahaa ayaa sicii madaxa ka maray oo ku soo celiyay xeradiisii. Yusuf sacii ayuu xeradii ku hor joogsaday. Maxamad Gubadle ayaa soo gaadhay Yuusuf oo saci xeradii ku horjooga, oo ku yidhi Yuusuf inaadeer aan saca xidhee ii horjoogoo iskana ilaali sacu wuu didsanyahaye. Yuusufkuna nin lo' dhaqankeeda yaqaan muu ahayn oo sacii ayuu bud la horjoogsaday. Markuu Maxamad Gubadle is yidhi sacii xidho ee u taabtay ayuu sacii ninkii Yuusuf Shabeel ee kadinka xerada ku horjoogay ku soo booday. Yuusufna budkii uu haystayboo labada gees dhexdooda sacii kaga duftay. Sacii ayaa intuu samada u booday ninkii Maxamad Gubadle dusha kaga dhacay. Maxamad Gubadle markii uu sacii dusha kaga dhacay, ayuu ka jabay bowdada. Markaas Bildhaalay oo magaalo noqotay oo ilyartu isqabatay ayaa shilkaa dhacay owgii la isugu yimid.
Yuusuf Shabeel reerku ka dhashay oo Ree Xaamuda iyo Maxamad Gubadle reerkiisii oo Bah Gobo ah ayaa ninka jabay arinkiisa ka wada hadlay. Reer Xaamudkii ayaa Bah Gobo ku yidhi, ninkan jabay waanu qabnaa sidii la arki jiraye anakaa kabanayna hadii ala yidhaa, wakhti galiileedna way ahayd oo la soo hayaamayo oo dhulku gulul yahay. Odayaashii Ree Xaamud waxay ku yidhaahdeen odayaashii Bah Gobo halkan ku kabi maynee ninka waanuu qadaynaayoo waanakan rarabtii u soo goynaynoo waxaanu ku kabaynaa halkaa qabow ee Beeyo Cadalay. Odayaashii Bah Gobona waxay yidhaahdeen ma ogolin oo anakaa ninkan jaban qaadaynoo waxaanu ku kabaynaa Agabar. Hadalkii ayay labadii reer isku yar celceliyeen. Ree Xaamudkii ayaa ku yidhii Bah Gobadii, waar dhulku waa gulayle, ninkan jaban inta aad Agarbar kusii wadaan ayuu kala qudhmi oo wuu dhimane ka daaya. Nimankii Bah Gobo ayaa diiday oo yidhi ma yeelayno. Markuu hadalkii halkaa marayo ayay nimankii Ree Xaamud yidhaahdeen, hadii aad ninkaa dhaawaca sidaa ku qadaan oo uu dhinto anaka nama khuseeyo. Nimankii Bah Gobo waxay ugu jawaabeen WAABU DHIMAN WAAYAY.
Ree Xaamud hadalkaa odayaashii Bah Gobo yidhaahdeen way qaadan kariwaayeen oo may jeclaysan. Sidaas ayay Bah Gobadii ninkii dhaawac ahaa ay ku qaateen oo ay ku ambabexeen. Agabarba inta anay gaadhin ayaa ninkii jabnaa naftii kaga baxday oo uu ku geeriyooday. Sidaasi markay dhacday ayaa mudo dabadeed rag tobaneeyo ka kooban oo Bah Gobo ah Cali iyo Maxamuud ka kooban ayaa Ree Xaamud u yimid ayagoo magtii Maxamad Gubadle u socoda. Ree Xaamud waxay horeba u goosteen oo ay go’aansadeen in aanay magtaa bixin, mar hadii ay Bah Gobo tidhiba WAABU DHIMAN WAAYAY, dhulkoo gululna ay ninkii dhawaca ahaa rareen. Ree Xaamud Bah Gobo waxay ku yidhaahdeen mag idiinma hayno, ee hadii aad ka qarmi waydaan na soo ashkateeya. Bah Gobona waxay ugu jawaabeen, maanu waalannahay marka aanu Ree Xaamud soo ashkataynayno. U jeedado waxa weeyi Ree Xaamud magta Xoogbaanu kaga qaadi doonaa. Ree Xaamudna waxay ugu jawaabeen, xoog aad ku qaadaan iyo ashkato aad nagaga qadaan mooyaane intaasay dhaari naga tahay in aanaan mag idin siinin.
Halkaa marka uu arin marayo ayaa Qoob Adhiile oo Gabayaa Bah Gobo ahi Ree Xaamud u soo gabyay. Wuxu yidhi :
Dayax iyo daruuraha haday kala dhex duugayso
Sida haadka duula iyo haday wada dayuurowdo
Daf hadaad tidhaahdaan wabiga doosha lagu dhaafo
Dalka xabashiyeed iyo haday digo ka eedaanto
Daaraha mareexaan hadii deeqa lagu oodo
Oo dir iyo daarood kulmo oo dayrna lagu meersho
Doonyaha hadaad halbsataan dabay u dhoofaya
Dakadaha cadmeed iyo hadii macala loo dayro
Inta labada duubi ee Bah Gobo Maxamad doonayso
Danabkii madoobaa intaa u jiifo dagalkiina
Gurigaad degtaan idinkoon nabad ku daaqayn
Duhur maa iska dhiibtaan xaqii kugu daliilyowye
Gabaygaa Qoob Adhiile nuxurkiisu waxa weeyi Reer Xaamudow nabad galyo dhulka ku daganaanmaysaan hadii aad magta iska bixin waydaan. Xoog ayaa kolayba la idinkaga qaadi ee nabadgalyo iskaga bixiya ayuu ugu baaqayaa Reer Xaamudka. Qoob adhiile isga oo sii balbalaadhinaya ujadadiisa, ayuu si cad ugu sheegayaa Reer Xaamud in ayna Bah Gobo sina uga samrayn dhimashada Maxamad Gubadle. Reer Xaamudna meel kasta oo ay tagaanba aan laga hadhi doonin ilaa inta ay bixinayaan magtaa Maxamad Gubadle.
Qoob Adhiile gabaygiisaa keysna wuu ka hanjabayaa, keesna Reer Xaamudka wuu ugu
hanjabayaa.
Waxa markaa u jawaabay Cige Jamac oo gabayaa Ree Xaamud ah
Wuxu yidhi :
Dood waxaan ka naqay xajadaa uu dala u noo keenay
Dood kalena waa aniga iyo duuni hadalkayga
Dayax iyo daruuraha tugaha duulay tagi waaye
Dabayshuna ma gaadho ee qofyahow daayimaa tahaye
Dad ku xidha hadaad leedahay ayaan lagugu daayeene
Duuflaal sidiisii adaga ayuunbaa u yidhi dabuutaase
Deelqaaf ninkii tiri yidhaa haatan lagu diidye
Dood kalena waa aniga iyo duuni hadalkayga
Kolkaad diriq dhabayseen adiga oo Maxamad doonaaya
Daba goroyo iyo waxaanu niil dacalka dhoomaha
Duleedkiina iyo kaayaga ayay dabac ka fooftaa
Waataa dambeedada la maray dayr cad kaan daqay
Daanshoodka waa kaa durduro dilaya naylaha
Garbadii dalooshay iyo il dheer buu dilaacsaday
Waa taan balaadh dacal ka furay dayrtan manta ah e
Dadkuna waa ogaa maalintaan dagayay meeshaas e
Koortaan dagaal eegayay ayuunbaad deeq na barideen e
Waa doobto caano ah waxaad naga dul joogtaan e
Anaguna anfaca waa dilaa kaaga dowdabay e
Maaraha digtiisaa qalbigu indinka duubmaay e
Waa bahal dil uun loo sitaa oo doqoni waydaa
Darandoori dowr jeer haduu rag iska dayn waayay
Sidaydaa ninkii loo damcay ayaa diir libaaxla ah e
Dooyl iyo bombaaso iyo maan gaynin digiyo meel dheer
Dafna wabiga beeshay ma odhan doosha loo dhigay e
Hadaad doono leedahay arliga igamaad waydeen e
Dambi badanidee wadanahaa laga dambeeyaay e
Cige oo Qoob Adhiile ka jawaabaya gabaygiis, ayaa waxa u isna leeyahay hadii ay Bah Gobo Reer Xaamud damacsanyihiin in ay xoog magta kaga qaadi karayaan waxba ayay la hadhi. Deegaankana meela uga ma bixin ee waa anigaa wali degene waxba hala hadhine kaalay iga qaad.
Qoob Adhiile ayaa gabay yar oo gaaban Cige ugu soo jawaabay oo la yidhaahdo MURAMAHA U DAAYA. Wuxu yiri :
Mudhka jaray marxaladii biji iyo malabkii laas dhuure
Idinka oon dhulkii dib u marayn muramaha u daaya
Inoo ina Shabeel malagan dhigay muramaha u daaya
Anigoo kolay kaa magdhabi muramaha u daaya
Cige ayaa hadana isaga oo Qoob Adhiile u jawaabaaya ku soo noqday gabaygii, oo soo tiriyay maansada la yidhaahdo MAAGISTA U DAAYA. Wuxu yidhi :
Mirir iyo magaadoole iyo malabkii laas dhuure
Malkadii buqeed iyo halkay miidho ka cabbaysay
Udubkaan sidii maalin guur aan kaa mudhbixinaayay
Nina ima mahiibsiin dhulkaan mariyay reeraha e
Anoon magan xigaalkaa ahayn maagista u daaya
Wanka madaxa wayn leh iyo iduhu mulug rag weeyaan e
Ma maroorsanine geelo waa mulug xalaaleed
Maalkaa ilaah noo dhaqay ayaad murug ka qaadeen e
Anagoon dagaal maarsanayn maagita u daaya
Daarjiraha kugu maaran ayaad muruq ka roontiin e
Iyaga ayaydin miidhaan markaad midigta qaadaan e
Maalintii dixdaba waan ogaa sidaad u mudanteen e
Muslikuba mayeeleen sidaad ugu maleegteen e
Maadhiinka aniga oo sita oo midigta kaa jooga
Oo madaxa kaa toogan gara maagita u daaya
Inta cadaygu meeshaa ku yaalo waa manfacataan e
Miiribaad cunaysaan hadii aad meherad leediine
Sunta geela lagu meeriyo ee kuraygu maadaysto
Kolka dirirta mayd badani go’o mudhana loo guuro
Taarane adoon maxaasanayna maagita u daaya
Malyuun iyo lag keen oo markaanu rag isla maandhaafnu
Anagoo mildhaawaha aqoona maagita u daaya
Macmacaanka madasheedu waa lagama maarmaan
Adigoo magaalada muraad culus ka miidaaya
Malkadii anoo kuu fadhiya maagita u daaya
Markay Cige iyo Qoob Adhiile labadaa gabay ee ahaa MURAMAHA U DAAYA iyo
MAAGITA U DAAYA iswaydaarsadeen, ayuu hadana Qoob Adhiile soo gabyay.
Wuxu yidhi :
Reer iidle waa kuwii ku miray sida mahiigaane
Miiskii iyo riyihii waa kuwii kaa maroorsaday
Waatanad idahan miidhan iyo maali jirin geele
Waatanad makan iyo lahayn meel la jiifsado
Abidkiinba miidaan la’aan baad u madhataane
Maansadaa gaaban markuu soo laliyay Qoob Adhiile,
Cige u soo jawaabay. Wuxu yidhi :
Maaweelo gabay waanigii maahir ku ahaa
Macnaheeda waataan iqiinay Maxamad Nuurow e
Waxaan kaga murba ay xaajadii muranka walayd
Bal I maqal tixdaan marinayeen miinka ka higaadshay
Midhiqir daatay maydkoo batay iyo miidho ololkeeda
Madaafiic dhacday iyo dabka oo la isku miisaayo
Abidkiinba reer aad mirteen lagama mawlayn
Waxa lagugu miiraa dagaal meel aad joogtaba e
Miidaan la'aan naagahaan meela galihayn
Marsin oodan wixii jiidhayaa mala rag weeyaan e
Madhiinka aniga oo sita oo murug taxaabaaya
Malaha heegankayguna ku muday maahir oon wado e
Mahiigaanka gaasga ah markaan kugu madoobeeyay
Een marcaskiinii la tagay maraqu laalaaday
Muruq miyaa iga dhacay raganimaan kaaga moobiyay e
Mise midho qalaad ood cuntaybaa meel ku galinaaya
Marag hadaad I waydiina waa maalintii tarar e
Gabaygan Cige wuxu tilmaayaa dagaal u Qoob Adhiile koob joog u ahaa ee geela lagaga dhacay. Halkaa markay marayso ayay Ree Xaamud halkaa Daba Yucubeed reeruhu degeen oo ay isku urursadeen. Qoob Adhiile ayaa soo gabyay, isagoo u jeedadiiso ay tahay Ree Xaamud way baqeeno arligiiba way ka qaxeen. Wuxu yidhi :
Afar iyo tobnaadkii markii adhigu guuraayay
Toobadda iyo ashahaadada markaad ka anfariiraysay
Gabaygani ma dhama, laakiin Qoob Adhiile wuxu u jeeday oo uu lahaa Ree Xaamud oo waxaba ku noolayn oo baqaya ayaa deegaankiiba ka tagay.
Ismaaciil Jibriil oo dhan iyo Nuux Ismaaciil oo markaa Bah Gobo garb siinaaya ayaa maalintaa meesha ku dhamaa. Sedex boqol oo nin ayaa Bulaxaar ka soo baxay, oo waxay goosteen oo ay yidhaahdeen nimankan Ree Xaamud aan culaysino. Boqorkiina Jigjiga ayaa laga soo kexeeyay. Ree Xaamudna waxa ay yidhaahdeen maanakaa nala culaysiyaa.
Todoba halaad ayay u qaleen. Niman Nuux Ismaaciilkiiya ayaa waxay ku yidhaahdee Ree Xaamud, waar inaadeer intan aad nagu sooryaysaan ayaa magta bixin lahayde miyaad magta iska bixisaan. Ree Xaamudna waxay ugu jawaabeen, waxaan nalagu lahayn oon xaq ahayn bixin mayno, ee idinku martaad tihiine waxaan idin siino cunna.
Intaa markii la iswaydaarsaday waxa gabyay Cige. Wuxu yidhi :
Afar iyo tobnaadkii markaan ku ashqaraarsiyay
Een urursaday een goof midkood ka ololaynaayay
Ismaaciil Jibriil maalintii uu umal wareeraayay
Xasan maalintoo ooyayay ee aamus laga waayay
Ergadiina maalintii aan ul iyo aabi kala daalay
Ashahaada wuu buxiyaa oo oday dhan weeyaane
Arbow ina Xergeeye ayaa ogaa iginbil kaygiiye
Adyad baanistaydii wixii aan adiga kuu gaystay
Afka Qabile iyo maalintii aad adadixii fuushay
Eed oomanaantii biyaha soo ag mari wayday
Itaalkayga iyo maalintaad aragtay xoogayga
Ilaahbaaban ku dhaariyay iyo ulognaheeniye
Iyo aaladuu nabi lahaa idil ahaanteede
Kol hadaad akhyaar tahay runtaa la intifaacaaye
Udbahaan ka guuray iyo markaad shidatay oodayda
Bal astee ardaagaad fadhiday aradadaa joogtay
Halkaa markuu gabaygii Cige mariyay, hadana waxa ku soo noqday Qoob Adhiile, gabaygiisu Qoob Adhiile had iyo jeer ma badnayn, laakiin manso yar oo gaaban oo halis ah, cayna u badan ayuu tuuri jiray. Wuxu yidhi :
Reer Xaamud dheen iyo wuxuu dhadi ka baaqaaba
Dhadhawaaqa geediga wuxuu dhan iga dhaafaaba
Aniguna dhawaaqa iyo waxaan gacanta dhowraaba
Gidigii Isaaquba wuxuu igu dhaliilaaba
Dhudhumada Ismaaciil waxay dhumuc yaraadaanba
Dhamoow Maxamad geerida wuxuu dhan ula jiifaaba
Koluunbaan dhigaha gaaban iyo dhaafin xoolaha e
Warsame ama Qoob Adhiile gabaygiisan uu leeyahay koluunbaan dhigaha gaaban iyo daafin xoolaha e, waxa uu ula jeedaa Reer Xaamud waa reer bariyoo aqal xarago malaha. Qoob Adhiile in ay inantoodu aqalkaa ayadu leedahayba kama uu fakirin. Dumar badan oo Bah Gobo ah ama Ismaaciil Jibriil ayaa u dhaxay Reer Xaamud.
Cige waxa uu helay fursad, isaga oo Qoob Adhiile u jawaabaya, tixraacayana dhigaha gaaban, wuxu yidhi :
Haday dhiguhu ii gaabanyiin dhixida weeyaane
Dhamidii Ismaaciil Jibriil dhowr gabaatiyaye
Aqal dhinacyo wayn oo haweenku aad u dhacadiidshay
Maxaad igu dhaliisheen hadii aad dhibi garanwayday
Dhawaq kalena xoolaha ayaan dhaafin buu yidhiy e
Waar hadii aan la I dhirbaaxayn afkuunbaa dhuri taqaaniin e
Dhaartiyo maxaa laga dhigaa dhaadashada beena
Cige gabayada geela iyo dagaalka ayuu caan ku ahaa. Qoob Adhiile oo aad ula yaaban geelan uu Cige mar walba soo hordhigayo ee gabayadiisa Cige had iyo jeer ku sheegayo. Maahir iyo madiix iyo car iga qaad. Markaa Qoob Adhiile waxa ay la noqotay in uu gabay ku yidhaahdo geelba malihidin. Wuxu yidhi :
Ilma Jaamac Gayr kuma murmaan mudh iyo heemaal e
Intay murug salaaxaan martida uma aloosaan e
Imikay maqaarkii riyaha meel u dhiga yaan e
Qoob Adhiile gabaygiisan, waxa uu ku soo hal qabsaday Cige aabihii oo la odhan jiray Jaamac Gayr.
Cige oo Qoob Adhiile gabaygiisaa hore ka jawaabayaana, wuxu yidhi :
Macne ayuu uu gabaygu leeyahay iyo moosin loo dhigo
Malkadiisa meel aan ahayn waanu marihayn
Hadii aad maqiiq uun tidhaa waad mushkulantaay e
Muran iyo mulaaq kuma baxee uunku kaa maqal
Afartaa ma meermeerinine miim ma ka higaadshay
Ma macneeyay bayd gaab ku wuu kala maroorshaay e
Tana maqal adaa u marag ah oon caawa kuu marin e
Mudha iyo madiix oo dhalay iyo maahir iyo luuli
Anagoon lahaynba maalintii aan weerar kugu miisay
Een kaa maroorsaday ayaanu muush u leenahay e
Kamay madhanin meeshay fadhiday maahir iyo good e
Maageerka laga buuxiyu ayaan maax ka dhamayaay e
Waa moholidaadii kuwaa lay matamiyaaye
Afartaa ma meermeerinine miim ma ka higaadshay
Ma macneeyay bayd gaabku wuu kala maroorshaaye
Tana maqal adaa u marag ah oo caawa kuu marin e
Adoo I maagan maalmihii hore eed Maxamad doonaysay
Manfaacaan ku siiyay iyo sidaan kuu murwaadaayay
Mood bixinayaa iyo wan wayn madarka gaynaaba
Marti sooris ilma Jaamac Gayr magane loo daaye
Afartaa ma meermeerinine miim ma ka higaadshay
Ma macneeyay bayd gaabku wuu kala maroorshaaye
Tana maqal adaa u marag ah oo caawa kuu marin e
Nin maqaarka riyaha u dhigaa muunadaa malahe
Marshinkuu ka saaraayo iyo wuxuu magaadaayo
Sidaaday madhaan ooy kabuhu midhifyo yeeshaan e
Muxuu muranku kuu tari duqyow mulayka daaqaaya
Gabaygan Cige isaga oo ka jawaabaya gabaygii hore ee uu
Qoob Adhiile ku tilmaayay ilma Jamac Gayr inaanay lahayn geel, ayuu Cige na Gabaygiisan ku sheegayaa in geela ay haystaanbaan yahay koodii ay kooxda Cige, kooxda Qoob Adhiile xoog kaga qaaday. Geelaa ay Reer Xaamuku dagaalka ku qaadeen waxa loo yaqaanaa Garbo Jabiye. Boqol halaad ayaa dooxa Bohol la yidhaa laka daadiyay oo ku dhintay, sidaasaana loogu bixiyay garbo jabiye. Waxa la sheegay Warsame oo ah Qoob Adhiile markuu gabaygan Cige maqlay in uu kabihiisii iska saray oo uu kor u lulay, yidhina Adowgaaba la cadaab ina Jaamac Gayr muxuu kabahayga eegay.
Halkaa markay marayso ayuu Cige dardar cusub la soo gacay oo uu gabaygiiba cid u oogolaan waayay, Ismaaciil Jibriilkiina kala qaybiyay. Malintii Daba Yucubeed Ismaaciil Jibriilku isku urursadeen ee sadexda boqol ee Nuux Ismaaciil Bulaxaar kaga soo baxay, ayagoo leh nimankan Reer Xaamud aan culaysino. Cige isgaashaan buuraysiga wuxu u arkayay in ay hiilinayaa. Reer Gadiigaa Bah Gobo ku yidhi waar nimankan Reer Xaamud anakaa qabane kharash keena. Bah Gobo kharashkii bay bixiyeen. Waxa dacday wax qabasha waa. Bah Gobadii ayaka oo ka xun wax qabashawaamkaa ayay calaacaleen. Cige markaasuu isaga oo ku laagaya Ismaaciil Jiriilka gabyay. Wuxu yidhi :
Abidkoodba halkay qadadu tiil waa u qalqaalaan
Qalalaasahay jeclyihiin qoom sokeeya ah
Anaa qaban markii uu ku yidhi wa isla qirateen
Qorshihiisa uunbuu wataye waa qatalanteene
Ha is qoomamaynin haldhaabaa idin qowlalaye
Halkaa maahmaahda la yidhaa ma tanuu haldhaana baql u soo kiraystay ayaa ku baxday. Dadku ma wada yaqaane nin Reer Gadiida ayay ku baxday maahmaahdaasi.
Cige isga oo gabaygii si wata, wuxu yidhi :
Gadiid iyo Shirdoon gabigba reer Yonis
Gidigii Ismaaciil Jibriil waa is guushadaye
Maxaa godobtayada Xanan sidoow geedo kuu mariyay
Reer Gadiid gabaygaa Cige markay maqleen ayuu Xanan Side Reer Xaamud ku yidhi magta waan idinla bixinaynaaye keena badhkiina. Reer Xaamudna Yeeli mayno ayay ugu jawaabeen. Halkaa markay arini maraysu Reer Yooniskii way cadhoodeen, oo
Macnihiiba noqday Reer Xaamud aan la dagaalano. Ildab ayaa diiday oo dagaalkii bajiyay. Reer Yooniskii ayuu ku yidhi ma Reer Xaamud ayaan la dagaalanaa waar cagta dhiga waxa ku hadlimaysaane. Ildab aanaa Reer Xaamud dawladda ka ashkataynaya ayuu yidhi. Dabadeena Ildab ayaa Reer Xaamud dowladda ka soo ashkateeyay. Garsoore Ingiriis ahaa oo la odhan jiray Waji Xun ayaa Reer Xaamud magtii ku xukumay.
Dhaqan ahaan Soomaalidu magta geel ayay ku kala qaataan.
Reer Xaamud ayaa yidhi magta geel bixinmayno ee lacag ayaannu ku bixinaynaa. Markaasaa loogu jawaabay, lacagta keena tanaaba abaal lagu qabaaye. Reer Xaamud markay lacagtii bixiyeen ayuu
Qoob Adhiile gabyay. Wuxu yidhi :
Raran kama talaabsado raha iyo ri iyo neef keede
Ma riyoolihiibaa ku lumay rabaqsigii qaanta
Ma rubaabidii baa la dhigay rabadin loo xaadhay.
Cige ayaa dabadeena isaga oo soo af jaraya shilkaa labada reer ee sokeeyaha ah dhex maray, kuna saxeexaaya Qoob Adhiile, gabay arinka uu qarxinayo soo tiriyay. Wuxu yidhi :
Waataan indhaha kaa riday een kaa ogaan tagay
Arbow Maxamad waatii u yiilay aradkii waynaa
Waataad abow iya lahaad waa ingiraya
Waataad Ismaaciil Jibriil eeda kaliseene
Urursade irdihii Yoonis Nuux idil ahaantood
Ildab wuxuu sarkaalka ugu tagay umal daraadaaye
Awoodse malaha gaalada ninkii soo akaabsadaye
Kol hadaanan ku siinayn aduun adhi iyo geel toona
Oo aan itaalkaad lahayd ku ogolaysiiyay
Iska aamus ugu maad horayn aarsan kari waaye
Labadaa reer ee tolka ah, magtaa ay isku hayeen ee gabayadaa isugu hanjabayay, dagaal iskagamay hor iman. Maalin ayaa la isku soo cidama urusaday, maalintaana intii aanay cidamadu isasoo gaadhin ayaa tolka deegaanka joogay kala rogay. Maalintaa weerarku dhici gaadhay ayuu Cige ka gabyay. Wuxu yidhi :
Sidii aar qadooday oo wax badan qololka meeraayay
Oo waa qudiisee hunguri qaadashadu hayso
Qolka iyo haduu neef ku dhilo qaydarada duud ka
Uu qolo ilmaadeera ahayd qaanku kala laayo
Ooy qabax ku siiyaan intoo agafka loo qaato
Kolkuu qiijimaad baxo libaax qaradii weeyaane
Qowdhankii soo baxayaa fuluhu qaran ka yeeshaaye
Ana qaabadaasaan ahaa qaafilyow shalaye
Qolqolada markaad soo gashee aan qaraxshay maadhiinka
Adoon qaamud kaa galin kol baad soo qatalanteene
Markii magtii Reer Xaamud lacagta u baxsheen ayuu Cige gabaygii ugu dambeeyay soo mariyay. Gabaygaa wuxuu Qoob Adhiile ugu tilmaamayaa geelii iyo xolihii magta ku wanaagsanaa.
Wuxu yidhi :
Qamaamuurta gabay waanigii qaari ku ahaa
Qalbigayga wow qod iyo low qawlka maansaduye
Abidkayba qalooc uma tirsho ee waan qotomiyaaye
Waan qalin dareeyaa tixidaan qaarib leeyahaye
Qusur lakuma dhaco meel haduu qoor ka dhow yahaye
Qarkaa lagaga maydhaa hadaannu qabar ku saarnayne
Markabkuna qiyaasbuu sitaa oo loo qotomiyaaye
Qiimalaa hadaad tal istidhaa waad qatalantaaye
Alayloonu igu qaaribayn qoob adhiiluhuye
Qowl iyo idiin iyo idaha qarada waa wayn leh
Qalas heenso lagu soo guray iyo quruxda maadhiinka
Uma quudhin xoolaha wixii qadasho lahaay
Qola xumi haday leedahay ayuu qaar iryi lahaa
Ka quleeye qaalmihii ratigu qayb u roorsaday
Waanigaa qadoodiga ka diray qaayib iyo good
Iga walaanan qorsheeyeen rubeed qiimigeedane
Ha yeeshee waji xun baa I qasbay ee maad qaraacdeene
Waxar qabada iyo nayl xun baan kaga qaan baxaye
Qayd qayd u qaata oo hadaba qoomomo la'aada
Oo ku qaxweeya waataad waxbadan ka qatanaydeene
Hadii kale qudhaadaa xigi ee qayli waligaaba.
Halkaasaa labadaa oday ee gabayaga ahaa ee labada reer ee tulka ah ka soo kala jeeday ay ku gabagabeeyee gabayadoodii. Waxa la sheegay labadaa gabayaa Cige iyo Qoob Adhiile oo aad u gaboobay, indhahana aan waxba ka arkayn in ay mar wada deganaayeen Ilinta Dhexe, dadna ayaku isugu jeclaayee.
Cige wuxuu caan ku ahaa oo uu bilad ku sitay gabayada geela iyo dagaalka. Isaga oo qola kale oo ayana sokeeya ah oo bari la is diriray waxa u sheegaya oo warmaha dhiigaynaya ayuu gabay tiriyay. Gabayaagii Caanka ahaa ee Aflowna madasha ayuu joogay. Markuu maqlay Gabayadii ay isu tirinayeen Cige iyo Qoob Adhiile ayuu Aflow yimid, isaga oo leh waar ninkiinan gabayada is isku tuur tuuraysaan niman dagaal arkayba ma tihidin. Aflow wuxu yidhi anagu furinta dagaalkaanu joognaayuu haayuu weeyi, Aflowna waa nin reer ooga ah. Aflowna waxa keenay Bildhaalay Gabayaadaa labadii Oday isku tirinayeen oo uu maqlay. Cige oo warmaha dhiigaynaya, Aflowna u sheegaya in ay dagaalka yaqaanaan ayaa gabyay. Wuxu yidhi :
Col hadaad gasho ood labada waran dhiiga ka casayso
Casar dabadii koortuu sanguhu cawl ka fududaado
Uu sida haldhaa coorimaha caga cagaynaayo
Adoo cidhif dagaal soo rogay oo ciiro iyo qiiq leh
Adiga oon cabsoonayn fulahaa ciidataalo leh e
Kob ciloon adoon marin hadii lagu canaanteeyo
Curcurada rogaal culus hadii aad ciida kaga goyso
Cadha bootaduu kula tagaa caaradaa hore e
Cadradiina kii qabay haduu caynab kula gaadho
Goortuu casabadaa noqdo ayaa laga cileeyaaye
Kuwan waan ciyaar siinayaa oo waa colkii I xigay
Rag nigaanu tulumo iyo cashiiro cayna noqon wayno
Ma candado ee inaan ciijiyaa camalkay weeyi
Cige Aflow wuxu gabaygaa ku tusinaayay in dagaalka iyo farda fuulkaba ay caan ku yihiin, dhaqankii gacalnimada iyo ka tolimadana ay aad iyo add u tix galiyaan marka goob dagaal la isku helo. Aflow markuu gabaygaa maqlay, isaga oo yaaban wuxuu yidhi waar inad fardaha cankan ku tihiinba ma aan moodayn.
Ree Iidle, Aadan Ciise - Ciisa Muuse iyo Reer Xaamud
Bari kalena Reer Xaamud iyo Ciise Musa, Aadan Ciise khaastan Reer Iidlaha ayaa is diriray. Reer Xaamudku xagaa bariga ayay daganaan jireen oo Ciisa Muusaha Aadam Ciisaha ayay isku degmo ahaayeen. Aadan Ciisaha waliba jilibka la yidhaa Reer Iidle ayaa nin Reer Xaamud ah oo la yidhaa Jaamac Gayr dilay oo lagu sababay. Ninkaa Ciise Muusuhu dilay waxa uu ahaa Cige aabihi. Markay is dirirayn Reer Iidle iyo Reer Xaamud ayaa Ciise Muuse-Aadan Ciisihii oo dhami iskugu tagay Reer Xaamud.
Markii Aadan Ciisoo dhami iskugu tagay ayay Reer Xaamudkii xagan galbeedka ee degaanka Sacad Musaha u soo dadbadeen. Cige oo inan layaala, degana meesha la yidhaa Sabacad, ayaa maalin maalmaha ka mid arkay sadex niin Ciisa Musa ah oo reer Isaxaaqa u soo yarad doontay. Sadexdaa nin waxa ka mid ahaa Xasan Qaasaali iyo Xirsi Balayax, waxaanay ahaayeen sadexdii Aadan Ciisaha ka dhaqaaqayay.
Cige ayaa intuu faraskiisii ku soo dhacay u col doontay halkay daganaayeen beesha Reer Xaamud. Cige markuu soo gaadhay beeshii Reer Xaamudka ayuu u waramay, isaga oo markaa codsanaaya in rag lasoo raaciyo si uu aabihii ugu soo aaro. Laba oday iyo sadex gadh madooba ah ayaa lagu soo daray oo usha fardahoogii jac ku soo siiyay. Sadexdii nin ee Ciisa Muuse oo markaa reerihii ka soo amba baxay ayaa la iska helay Sabacad. Sadexdiiba goobtii ayaa lagu dilay.
Arinkii dowladii Ingiriiska ee markaa wadanka xukumaysay ayuu gaadhay. Waxa lagu xukumay labadii oday iyo dhalintii ay wateen min kun rubood ama sagaal sanno. Kunka rubood barigaa lama goyn karayn. Reer Xaamud labadii oday kun kun koodii way bixiyeen. Ragii dhalinyarada ahaa ee Cige ka midka ahaana waxa la yidhi lacagta lama bixin karayee iska soo dhamaysta xabsiga. Cige markaa sagaal sano ayuu Cadan ku xidhnaa.
Sagaalkii sano markuu Cige iyo ragii kale soo dhamaysteen ayaa Barbara laga soo dajiyay. Barigaana magalada Barbara Reer Axmad cidi kuma maagayn oo ayaka ayaa haystay. Markuu Cige Barbara ka soo dagay, Reer Axmad ayaa baashiray oo garoon wayn xidhay oo maqdarad u dhigay Cige. Waxay Reer Axmad Cige ka codsadeen in uu
gabayadii intii u xidhnaa tiriyay waxa uga sheego.
Cige oo gabayadii marinayaa waxa uu yidhi:
Dood waxaan u naqay reer tolkay dagis la'aantiisa
Alaynoo da'deenii ogayn dabarkan lowyaha e
Sangaha oo diraacdii cunnay oo dharab ku daanshooday
Dago isdiiday duulaal hadii dabada loo saaro
Dagab dagab habeenimo hadii heenso lala doonto
Oo galalafkii lagu durko iyo yarahe duugaynta
Iyadoo daliil u eg haday dooyadii aragto
Oo weerarkii lagu dajo oo dabac la soo qaado
Halgaan xamar ka doolaabin jiray yaydin daba jooga
Caliyow da'adiin baa ba'aday dagalka yaa jooga Waa Cali Caynaanshe
Dabka yaa u fadhiya reerihii danab adeer mog
Digniinta u tagtay ee raad cadyow kama dambayn wayde
Wiilkii dareersaday haduu dagalka soo saaro
Neefkuu dushiisa u baxay uu nadi ku duug duugay
Yaa damac lahaayay hadii uu hadal dareensiyo
Uu indinku soo diro kuwii dib uga duukeeyay
Waa meel dagaal lagu hubaa oo la isku dilayaaye
Ma dadaalo oo fule warmaha wow damqanayaaye
Suryadaanu dayrka u ahayn yaa ka diriraaya
Caliyow da'adiin baa ba'aday dagalka yaa jooga Waa Cali Caynaanshe
Dabka yaa u fadhiya reerihii danab adeer mog
Dood kalena Reer Iidle waa mid aan dareensiiyay
Kuwaa naga dambeeya ayaan warmaha aan idinka daynayn
Dalwanaagsan geeloo darbiya iyo gamaan dayra
Hadaad duunyadaa leedihiin kuma duleeyeen
Kolkii hore riyahaa idin dilay oo dowgal kuu ahaa
Isdilay oo dadkuba waa ogaa dacartankeenii
Dux maxaad qabtaan waydinkii dookhadayn jiraye
Soo durug dagaalkiina la gee daynki hegabood
Waxa loo danleeyahay adigiyo fulihi deeraa
Waa Sugule ninka la odhan jiray
Sugulow ma daar badun gali nabadi waa duufe
Cige oo Maqdaradii loo dhigay markii xadhigii ka soo dhamaaday wali ka gabyaya oo la dhagaysanayo, ayaa nin Ciise Muusa ah oo reerkii ay isdilay ahi uu dibadii ka gabyay isaga oo markaa reerkoodii la hadlaya. Wuxu ninkaasi yidhi:
Diiriye iyo Cilmiyow wiilal bay dayatay ceeyuun
Da'adeen bay ahaayeen kolkay danabo fuuleen
Daar luguma xidhin oo karbaash diirka kama gooyn
Dakadii Cadmeed uunbay sidii dunida joogeene
Shaluunbaa dukhaan koo sidaa dayrkan soo dhigaye
Intay naga dahsoonaanayeen waa iska duubnayne
Nin dikhoonayaba waxa u eeg inuu dilaacaaye
Danabna ha iska yeedhee ayaa dilaya Reer Xaamud.
Ninkii markuu gabaygii dhameeyay, ayaa loo yeedhay, waar bal kaalay lagu yidhi.
Isna ragii u yeedhayay dhag jalaq uma siine wuu iska cararay. Cige ayaa markaa xanaaqay oo gabayadii joojiyay oo balan qaaday gabay. Cige wuxu yidhi:
Soo jeedayay xalay miyaan jow la ladi waayay
Sida aarka joofka leh miyaan jiifka ku caweeyay
Ma jibaadka baxayaa ahaa aniga oo jiitay
Xubnihii aabahay Maxamadow jowhartii maqan
Jarkan nimanka soo dagay miyaa jaray ragaan dooni
Jeelaadadoodii miyaa jimicsi loo waayay
Jeelkaan ku jiray eebaheen ma iga soo jabiyay
Jiilalkan manta ah colaad joofataa diciye
Warankaan jibaar lama hadle janan ka soofeeyay
Maantana ayaanu iga jug odhan jeenigii rogaye
Cige markuu gabayga mariyay ayuu Ciisa Muusihii isla kacay, ayaka oo leh hada waa ka dhab oo dagaal ayuu abaabulayaa. Intaasi markay dhactay ayaa nimankii Reer Axmad ay Cige iyo ragii ay jeelka ka soo wada baxeen ay dooni u soo kireeyeen oo xaga bada la mariyay oo Bulaxaar laga dajiyay.
Ninkii Ciise Muuse ee markii Cige gabyay dibada isna ka gabyay, ayaa sanad dabadii hadana gabaykale soo tiriyay. Wuxu ninkaasi yidhi:
Kowdii habeen hore dadka oo kaamilnimo seexday
Iyo kaarka ii yimid dabkii la iga koomaalay
Kashka iyo laabta maansado aniga ayay ii kurboon tahaye
Kalaam keeda Reer Xaamud baa loo katibayaaye
Kursi jabay ka dhige Qaadunkay kaalka galiyeene
Ragii ay laayeenbu tirinayaa
Wuu kabo la'aa Cali Gondaal Kaahinkuu dhalaye
Xandulaa siday uga kadeen aan dib u kalkaalayn
Koodaduu ka dhacay ina Cabdibaan kor iga toosayn
Kimis looma bixin Jaamac Gayr kolay kidaar tahay Waa Cige aabihii
Kursi kuma casheeyaan haweenkii kaahinaan jiray
Kontankii madoobaaday ha isdaba kadleeyeen
Sidii oy kun iyo dheeraad yihiin ha is kirkiriyeen
Sidii awr kaliishii baxay oo kurusku dheeraaday
Oo kiriyo dhaan labada garab kow lakala siiyay
Keenada day waa Cige Dameer kaa kushkii dhigaye
Cige Jaamac ayaa markaa gabaygii ku soo noqday. Cige ninkaa waxa uu tusinayaa in gabagu uu quman yahay marka aad guul hayso oo kaliya. Waxa kaloo uu Cige gabaykan ninka ugu sheegayaa ragii intii aan la xidhin ay dhulka dhigeen.
Wuxu yidhi :
Wiilyahow garaad kaagu waa gibin aan fiicnayne
Geeraarku wuxuu kuu baxaa guul adoo qaba
Isagaa guyaal badan jiray oo kaa wax garad roone Adeerkii ayuu u tilmaamayaa
Bal Guuleedba waydii innuu gabaygu suuroobo
Gigta weerar goobaha rogaal galowga yeedhaaya
Gaalaysyadayda iyo magliga dar aan ku googoynay
Gorgorka iyo waraabuhu raguu gigayay een laynay
Miyay soo gudeen wiilashaanu gudurida u loognay
Gudi daranidee maa aadig Cige garab kaaya
Qaahira iyo nin geed loo diro iyo geeshyadii maqan
Caateeye gabas baa ku dhacay gagadii maalintii
Bulaalaa halkuu gabax ku yidhi gobki yuurura
Goofkaan ku riday sow ma ogid Camale Geesoole
Iyo guul daro iyo ciil uu qabo gacan la'aan Faarax
Miyay soo gudeen wiilashaanu gudurida u loognay
Gudi daranidee maa aadig Cige garab kaaya
Gulufkaan gu' hore soo dirnay een guban u soo tuurnay
Gumburaha abdaal maalintuu galalaf baadhaayay
Gurigii Ibraahim iyo Magan way isagii galay ye
Goobkii Mataan lagu dilay ayaan aar ku gowracay
Kolkuu Kaahin gaafkaa u baxay sow maan kala goynin
Goblanna sow adeerkaa ma noqon geeri loo dhalay e
Miyay soo gudeen wiilashaanu gudurida u loognay
Gudi daranidee maa aadig Cige garab kaaya
Xasan waxa ku gaylamay dhurwaa goboladiisii
Waa adeergii ruma
Garabkiisa waa tii u yiil goraygii dheeraaye
Waa Xasan Balayax
Gashi nalama waydiin kolkaan gowraceen dilaye
Naagahaan galmada looga bi'in goor iyo ayaan
Iyagaa markay galin tabaan soo guhaatama
Gugaa kaliyabaan kaa hadhay ood wada gunuusteen
Horta maan gadiinaan bartaye gacanta kuu qaado
Godlihiina maad igu sugtaan waan idin kaydsada ye
Halkaa waxa aan ku soo gabagabanay gabayadii Ciige Jaamac wixii aanu ka xasuusanahay. Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo ragaa odayaasha ahaa ee
Murtida Soomaaliyeed aqoonta balaadhan u lahaa.
Gabayadii Aadam Yusuf Shabeel oo Aflow ku Magac Dheer
Aadam Yuusuf Shabeel Aflow waxa uu ahaa nin gabayaa ah oo Reer Xaamud ah. Waxa aabo u ahaa Yuusuf Shabeel, waa ninkii arinkay Bah Gobo iyo Reer Xaamud isku hayeen sababteeda lahaa. Aadam Yuusuf Shabeel Aflow Yaraan ayuu ku geeriyooday. Eebaheen naxariistii jano ha ka waraabiyo.
Nin Ciidagalo oo la yidhaahdo Cabdi Hure ayaa bari Sacad Muusaha gabay gardaro ah u soo tiriyay. Aadam Yuusuf Shabeel Aflow ayaa u jawaabay. Nin kaa Cidagale waxa u yidhi :
Cayuun darartay laykuma soleen diif anoo qaba
Inankaygu caanaha dalays diiq uma waayeen
Reer Looge deeqiya iyo idiin dabac ma maaleen
Makaahiil ma daafdaafiyeen dooga kamaseed
Reer Xaamud dooxada idaha kuma dabaaleene
Daafiga ma quuteen hadhuudh dilay ninkiisiiye
Suldaankaygu kuma daayacmeen damasha waa waayne
Wanka doosha wayn iyo qumbaha lagama daayeen
Sabo lala dibjiray yaa sidii daad u soconlayd
Waxa dalacay duleed joogyadii doobiga lahaaye
Gobdan bariye gaalka ilaah noogu dow galaye.
Ninkaa Cidagale waxa u jawaabay oo ka gabyay isna Aadam Yuusuf Shabeel Aflow.
Wuxu yidhi :
Sida nimanka daarood hadaynu duunka ka colowno
Bada lacagta kamaad soo dirteen dagalka Maarsay
Dawaarna kamaad jeexateen daaska cadameede
Dagadaha Barbara kamaad jarteen dun iyo qaydkeed
Dumarkaaga umaad soo dhigteen dabacadii suur e
Adiguu dux kuu noqon lahaa daaniyaaluhuye
Dooxaa Hargaysa ee gobka le kama dilaasheen
Dubka iyo laaskaan ku baray dam iskumaad siiseen
Doqonkaal xeryaha kamaad jarteen dacaska jiilaale
Dardarkaa cadaadood rugaha kamaad daruurteen
Anika oo duuban baa iman lahaa dixida laan dheere
Dalka waxa lagaa badi lahaa daaqsin maqaleed
Daaroodna kumuu qaayibteen diifta kugu taale
Waar digtoonaada ayaan daad kusoo galine.
Gabaygaas wuxu ahaa mid aad u dheer, ma wada hayno. Niman Ciidagale iyo Araba ayaa markay u adkaysan waayeen gabaygaa Aadam, ayaa waxay isku dayeen in ay Aadam Aflow afduubaan. Sacad Muusaha ayaa markiiba la baxay Aadam Aflow oo badbaadiyay. Aadam Aflow ayaa hadane dooxa Diri Dhabe googol loo dhigay oo gabyay. Qoladii Cidagale iyo Arab ee iswadatay ayuu u gabyayaa. Aadam gayaygiisa dunida oo dhan ayaad moodaa in uu ku soo koobayo
Wuxu yidhi :
Cudud nimaad ka roontahay haduu kuu cag dhigi waayo
Waa lagu casheeyaa gun oo waa camaladeediiye
Aad cishooyin ila jaariside iga ciraabayso
Ciise iyo Gadabuursi iyo nimanka Cawbaare
Ooda Caligan wada caaga leh ee curadka shaydaan leh
Xibashidan canjeerada cunnta iyo cadaha qaydhiinka
Qotida canabka laga iibsado ee ceeshka jaban haysa
Abasguulka cududiisu tahay ceegan iyo faafan
Sheekhaasta wada caabuda een cidi wax yeelaynin
Ogaadeenkaanu caadh googa nahay cali iyo haaruunba
Iyo Ciidagalahaan bartay ee ceelka Herar jooga
Iyo Habar Jeclada camalka xun sida colkii shiinaha
Habar Yoonis ceeg iyo wardheer culus ku maalaysa
Carab kuma dhameeyee intii cido Majeerteena
Cadaan iyo madow gaaladaa caasiyiin noqotay
Meesha iyo cadceed soo baxa ayaanu cimidh u joognaa
Ilaahbaa cirshiga nooga lulay caadadii boqor e
Caro edeg tolkay sow sidii nagbiga caan maaha
Aadam Gabygaa markuu tiriyay ayaa Sacad Muusihii Jabuuti deganaa soo dalbadeen oo ay yidhaahdeen ninkan Aadm Aflow ha naloo soo dhaadhiciyo. Aadam Aflow ayaa markii xaga Jabuuti loo dhaadhici aad u mustareexay oo tiriyay gabay mustareexa oo Sacad Muusa ha ku saabsan.
Wuxu Yidhi:
Micnaha gabay haday Muxumadow murugo ii gayso
Oon tiro masaalgeeda galo miidha Sacad Muuse
Mustareexay sida suufigoo madad ku maanshooday
Manka reer Gadiid iyo Shirdoon madaxa Reer Yoonis
Axmad nuux magaalada Berbara laguma maagayne
Mayal tuugyadii Reer Saciid Miidha Reer Samatar
Iyagaa markii laysu mudhay ma'ada lay dhigay
Jibriilkaa masuubada noqday iyo mudh iyo waabayda
Milatariga labadii Bah Gobo ee Ciise maganaysay
Makaahiil dhamaan anaku waxaannu nahay mudane koon yaad
Maanshaale Reer Cismaan mahad ilaahay
Maalkaanu haynaa ka badan magane geedaha
Waxaan soo mushaaxaba badwayn maalka ma istaagay
Ma ninbaa muraad iga hayaa madaxa ii taagi.
Gabaygiisa Aadam Aflow Sacad Muusaha Garacato mooyaane reer aannu kusoo qaadini ma jiro. Garacatana wuxu yidhi na daaya dee waa Ismaaciil Jibriile.
|